Foomamka (Forms) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah HTML, waana habka dadka isticmaala bogagga internetka ay xogta u soo gelin karaan. Tag-ga <form> waa xudunta foomamka, waxaana loo isticmaalaa in lagu habeeyo xogta la dirayo marka qofka isticmaala uu buuxiyo foomka. Xogtaas waxaa lagu diri karaa meelo kale sida server-ka ama database-ka si xogta loo farsameeyo ama loo kaydiyo.
html forms input textarea |
Tag-ga <form>
Tag-ga <form> wuxuu tilmaamayaa bilowga iyo dhammaadka foom. Dhexdiisa waxaa lagu qori karaa elemenntiyada sida <input> iyo <textarea> kuwaas oo dadka isticmaala ay ku geliyaan xogtooda. Sifooyinka ugu muhiimsan ee tag-ga <form> waa action
, oo tilmaamaysa URL-ka ama halka xogta loo diri doono, iyo method
, oo tilmaamaysa habka loo diri doono xogta, sida GET ama POST. POST waxaa loo isticmaalaa marka xogta muhiimka ah ama qarsoodi ah la dirayo, halka GET loo isticmaalo marka xog yar oo fudud la dirayo.
Tag-ga <input>
Tag-ga <input> waa elemenntiga ugu badan ee foomamka laga isticmaalo. Waxaa loo isticmaalaa in lagu geliyo xogaha kala duwan sida magacyo, email, lambaro telefoon, iyo erayo sir ah (passwords). Waxaad ku isticmaali kartaa sifooyinka kala duwan sida type
, oo tilmaamaya nooca xogta la gelinayo. Noocyada ugu badan ee <input> waxaa ka mid ah:
- <input type="text"> (xog qoraal ah)
- <input type="email"> (email)
- <input type="password"> (eray sir ah)
- <input type="number"> (lambar)
- <input type="submit"> (badhan lagu diro xogta)
Waxaa sidoo kale jira sifada placeholder
, taas oo dadka isticmaala tusinaysa tilmaamaha la doonayo inay xogtooda ku geliyaan, tusaale ahaan:
html<input type="text" placeholder="Geli magacaaga">
Tag-ga <textarea>
Tag-ga <textarea> waa mid la mid ah <input>, laakiin wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay xogaha dheer. Waxaa dadka isticmaala u suurtogelinayaa inay geliyaan qoraallo waaweyn, taas oo ku habboon marka xogtu tahay faahfaahin ama sharraxaad dheer. Tusaale ahaan, marka aad dooneyso inaad isticmaaleha u ogolaato inuu faallo dheer ku qoro, waxaad adeegsan kartaa:
html
<textarea rows="5" cols="30">Halkan geli faahfaahintaada...</textarea>
Sifooyinka rows
iyo cols
ayaa tilmaamaya tirada safafka iyo tiirarka meesha qoraalka la gelinayo.
Faa’iidooyinka Foomamka
Foomamka HTML waa aalad muhiim u ah bogagga internetka, waxaana loo adeegsadaa in xog laga helo dadka isticmaala. Waxaa si joogto ah loo isticmaalaa marka qof rabo inuu isdiiwaangeliyo, soo galo (login), ama uu diro xog ku saabsan su’aal ama faallo. Isticmaalka saxda ah ee foomamka waxay kor u qaadi kartaa waxtarka iyo adeegsiga boggaaga.